Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR oo qaxooti ay Soomaali ku jiraan ka qaaday Libya


Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa khamiistii shalay si nabdoon uga daad gureysay dalka Libya 149 qof oo qaxooti iyo megangalyo doon isugu jira, iyadoo geysay dalka Talyaaniga.

Dadkan ayaa ku go’odoonsanaa dagaalada ka oogan hareeraha magaalada caasimadda ah ee Tripoli, kuwaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ku dhinteen lix ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

149-ka qof ee laga qaaday Libya – ayaa ku dhawaad kala bar ahaa caruur – waxeyna ka soo kala jeedaan dalalka Eritrea, Somalia, Sudan iyo Ethiopia.

Farhan Haq, oo ah ku xigeenka afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in caruurtaasi badankood ay ka muuqato nafaqa darri ayna u baahanyihiin daweyn iyo nafaqeyn deg deg ah.

Waxaa laga soo qaaday xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay Tripoli ka dib markii ay ka soo badbaadeen bilo ay xaalado halis ah ku jireen, iyagoo ku suggan xarummo dadka lagu hayo.

Sida uu sheegay Haq, dagaalka ka socda gudaha iyo hareeraha Tripoli ayaa waxaa ku dhintay lix ka tirsan shaqaalaha caafimaadka, todoba kalena wey ku dhaawacmeen, ka dib markii horaantii todobaakan si ula kac ah gantaalo loogu dhuftay laba ka mid ah gawaaridda ambalaasyada ee gurmadka deg degga ah.

Dadkan ugu dambeeyay ee laga qaaday Libya ayaa yimid ka dib markii 62 qaxooti ah oo isugu jiray Siriyaan, Sudan iyo Somali ka carartay Libya ay tageen xarunta gurmadka deg degga ah ee UNCHR ay ku leedahay magaalada Timisoara, ee dalka Romania, ka hor inta aan loo duulin Norway oo qaxootigaasi aqbashay inay qaadato.

Arrintan ayaa wariyeheenna Nuur Xassan Nuur uu ka wareystay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libya Muxuddiin Maxamed Kaalmooy. Khadka taleefanka ee Tripoli ayuu kula xiriiray.

Qaxooti laga qaaday Libya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:43 0:00

XS
SM
MD
LG