Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaraxyo loogu gaystay inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.
Qaraxyadan ayaa la sheegay inay dhaliyeen khasaare kala duwan.
Dhinaca kalena, maleeshiyo gobolka Shabeellada Dhexe kula dagaalanta Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku dileen afar ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.