Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Facebook oo xirtay bogag Iran loo tirinayo


Shirkadda Facebook ayaa joojisay 51 xisaab shaksiyadeed, 36 bog iyo toddoba group, ka dib markii shirkadda dhinaca amniga internet-ka ah oo lagu magacaabo FireEye ay ogaatay in dhammaan barahan la xiray laga leeyahay dalka Iran.

3 xisaabood oo shabakadda xiriirka bulshada ee Instagram-ka ayaa iyagana la joojiyey.

Shirkadda FireEye ayaa talaadadii shalay sheegtay in xisaabahan been-beenta ah laga dhigay in Maraykanka ay ka dhisan yihiin, waxayna isu muujiyeen goob sharci ah oo faafisa wararka Bariga Dhexe, taas oo taageersan dalka Iran.

Faallooyinka oo ku qornaa afafka Ingiriiska iyo Carabiga ayaa lagaga hadlay doodo ku saabsan siyaasadaha Maraykanka iyo Britain, dadka laga tirada badan yahay ee Carabta, iyo raadka dalka Sacuudi Careebiya uu ku leeyahay gobolkaas. Faallooyinka ayaa cambaarsanaa aragtiyada muxaafadka iyo kuwa liberal-ka.

Shirkadda Facebook ayaa dhinaceeda sheegtay in sidoo kale ay baareyso, isla markaana ay macluumadka la wadaagayso hay’adda amniga.

XS
SM
MD
LG