Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tababare Gattuso oo Ka Tagay AC Milan


Gattuso

Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay Talaadadi maanta, in uu shaqada ka tagay macallin Gennaro Gattuso, kaddib 18 bilood oo uu kooxda leylinayay.

Gattuso iyo Milan ayaa ku kala tagay heshiis labada dhinac ay wada gaareen, taasoo macnaheedu tahay in qandaraaski uu kooxda kula joogay oo ay hadda ka hareen laba sano la baabi’yay.

Gennaro oo ka mid ah halyeeyadii kubadda cagta ee soo maray Milan, ayaa ku guuldarreystay xilli ciyaareedka horyaalka Talyaaniga ee todobaadki hore dhamaaday, inuu gaarsiiyo kooxda kaalinta afraad.

Waxay Milan horyaalka Talyaaniga ee sannadkaan ku dhameysteen booska shanaad, taasoo keentay inuu shaqadiisa ku waayo.

Dhanka kalana, waxaa isna maanta shaqada ka tagay Agaasimihii Dhinaca Isboortiga ee kooxda AC Milan Leonardo, kadib marki uu isna ku guuldarreystay inuu Milan gaarsiiyo kaalinta afraad.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG