Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Cali Aadan Muumin oo lagu xiray Muqdisho


Cali Aadan Muumin

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsanaa Idaacadda iyo Telefishanka Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Qeybta dembi barista ee ciidamada booliska ayaa warqad u geeyay Cali Aadan, iyaga oo ugu yeeray in uu yimaado xarunta Dembi Baarista kadibna waxaa la sheegay in la xiray.

Xassan Maxamed Maxamuud, oo ah agaasimaha Goobjoog ayaa Idaacadda VOA-da u sheegay inaysan jirin wax cad oo loo sheegay oo ku saabsan sababta loo xiray weriyaha.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo aan kala xiriirnay sababta loo xiray weriya weli kama aysan jawaabin.

Xassan ayaa u sida ay wax u dhaceen uga warramay wariyaheena Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:33 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG