Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo Itoobiya kala hadashay khariiraddii laga saaray


Axmed Ciise Cawad
Axmed Ciise Cawad

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Itoobiya kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay website-kooda.

Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad, ayaa VOA u sheegay in isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay ay xiriir la sameeyen Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ay cudur-daar ka siisay Soomaalia khaladka, sidoo kalena ay wadaan baaritaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday.

Wasiir Cawad ayaa VOA u sheegay inay aqbaleen cudur daarka Ethiopia ay arrintaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin in falkaasi aanu ula kac ahayn.

XS
SM
MD
LG