Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta cafis u fidiyey maxaabiis kasoo jeedda maamul goboleedka Puntland
Maxaabiistan oo tiradoodu dhan tahay ilaa 14 ayaa oo sida la sheegay lagu qabtay dagaalkii deegaanka Tuko-Raq ku dhexmaray Somaliland iyo Puntland sannadkii hore.
Somaliland ayaa sheegtay inay dooneyso in ayaga iyo Pntland ay nabad ku wada noolaadaan.
Khadar Maxed Cakule ayaa warbixintan nooga soo diray Hargaysa.