Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imtixaanka shahaadiga oo ka billowday HirShabelle


Arday 2
Arday 2

Degaannada HirShabelle ayaa waxaa ka billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo ay maamuleyso dowladda federaalka.

Gobolka Hiiraan waxaa imtaxaanka u fariistay arday tiradooda ay gaareyso 1467, halka Gobalka Shabellaha Dhexe ay u fariisatay arday dhan 449 arday.

Magaalada Jowhar waxaa u fariistay arday dhan 362 halka Baledweyne ay gaarayaan 1363 arday.

Furitaanka imtaxaanka shahaadiga waxaa magaalada Baledweyne uga qeyb-galay Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada dowlada federaalka Feysal Cumar Guuleed.

Magaalada Baledweyne Jawiga uu imtixaanka ku bilaawday waxaa weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane uga waramay Guddoonka Waxbarashada Gobalka Hiiraan Cismaan Maxamuud Cilmi (Cismaan Caato).

Imtixaanka shahaadiga oo ka billowday HirShabelle
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00

XS
SM
MD
LG