Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia: Khariiraddu Waa Khalad


Khariiradda Ethiopia soo Galisay
Khariiradda Ethiopia soo Galisay

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo muujinaysay khaladaad.

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in khariiraddaasi ay ahayd mid "qalad ah oo aan la aqbali karin."

Itoobiya waxay sheegtay in isla markii ay ogaatayba ay ka saartay maabkaasi bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Itoobiya waxay sheegtay inay ka xun tahay wixii jahawareer ama is-faham-darro ah ee ay arrintaasi abuurtay.

Waxaa kaloo khariiradda ka maqnaa Suudanata Koonfureed iyo dalka Equatorial Gini ee Galbeedka Afrika.

XS
SM
MD
LG