Magaalada Nairobi waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Wafdi ka socda maamulka Somaliland kaasoo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.
Xubnahan ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi waxay la kulmeen mas’uulyiin ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Kenya.
Joogitaanka Wafdiga Somaliland ka socday ee Nairobi ku sugnaa ayaa dhaliyay hadal hayn badan oo ah in Kenya ay doonayso in heshiis wadashaqeyn ay la yeelanayso maamulka Somaliland.
Hadaba Wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed oo magaalada Nairobi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu horayn waydiiyay bal inuu ka warbixyo ujeedada safarkooda Nairobi.