Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku geeriyootay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax babauur oo maanta ka dhacay bar kontorool oo ku taalla agagaarka taallada Daljirka ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa tiri in lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil iyo xildhibaano kusii jeeday madaxtooyada Soomaaliya.

“Qaraxa baabuur waxaa lagu dhuftay bar kontorool oo ku taalla Daljirka, waxaana jira khasaare soo gaaray dad ay ka mid yihiin ciidamada amniga” waxaa sidaas yiri Cabdulqaadir Axmed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada.

Dadka meesha ku dhintay ayaa la sheegey inay ku jirtey Faay Cali Raage oo ka tirsaneyd ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Waxaa goobta kula dhintay seygeeda oo sida la sheegey gaari la saarnaa.

“Baabuur dhowr ah ayaa ku burburay qaraxa, waxaana goobta laga qaaday dhaawacyo badan.” waxaa sidaas yiri goobjooge Maxamed Saney.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Saynab Abuukar.

Qarax ka dhacay Daljirka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:19 0:00

XS
SM
MD
LG