Ururka Somalisches Komitee ee fadhigiisu yahay dalka Jarmalka, ayaa gudaha Soomaaliya ka sameeya xilliyad Ramadaanta afurinta dadka danta yar. Waxa uu ururkaasi sidoo kale caawiyaa ilmaha aan awoodin waxbarashada iyo nolosha aas'asiga ah.
Guddoomiyaha ururkaasi Xaawo Maxmed Cismaan ayaa Jamaal Axmed Cismaan qadk telefoonka ee Jarmalka ugu warantay, waxaynaka hadashay sida ay howshan ku billaabeen.