Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Hoose oo ansixiyey sharciga batroolka


Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharciga batroolka.

Aqalka Baarlamaanka oo maalmahan ka doodayey sharcigaasi ayaa la sheegay inay u qadaeen cod gacantaag ah, waxaana sharciga oggolaatay 150 xildhibaan, halka 4 keliya ay diideen.

Xubnaha baarlamaanka ayaa sharcigan ansixinaya iyadoo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada ay muujiyeen inay doonayaan in sharcigaasi laga soo celiyo baarlamaanka si wadatashi loo geliyo, hase yeeshee madaxda dawladda federaalka ayaa ku adkaystay inay u daynayaan baarlamaanka.

Sharcigan cusub ayaa imanaya iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso inay dhammaadka sannadkan bixiso qandaraasyada sahaminta shidaalka ee dalka kadib shirikii shidaalka Soomaaliya ee bishii Febraayo ee sannadkan lagu qabtya London.

Sharciga shidaalka ayaa ah mid wax ka beddelay sharcigii shidaalka ee 2008 xilligaas oo Soomaaliya ay ku jirtay waqti ku meelgaar ah.

XS
SM
MD
LG