Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo hab cusub u qoranaysa Kenyan-ka


Dalka Kenya waxaa soo kordhaya welwelka laga qabo dhalinyarada reer Kenya ee ay soo askareystaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Cabsidan ayaa soo korortay ka dib weerarki Nairobi ka dhacay bishii January ee sanadkan, kaasoo la sheegay inuu hogaaminayay nin Kenyan ah oo reer Isiolo ah.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Al-Shabaab ay weerar ka dhacay Kenya u adeegsato qof ah Kenyan-ka aan Soomaalida ahayn ama aan Islaamnimada ku dhalan.

Warbixin ay arrintan ka qortay wakaaladda wararka ee Reuters oo la hadashay qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyarada ay Al-Shabaab Firkika xag jirka ah ku duufsatay ee Isiolo.

Waxaa inoo soo koobaya Ibrahim Xassan Dandureey.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:12 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG