Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar lagu dilay dagaal ka dhacay Gedo


Ciidamada
Ciidamada

Ugu yaraan afar ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay kadib dagaal maanta ka dhacay deegaanno hoos taga magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobbolka Gedo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM oo isku dhan iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shaabab.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Garbahaarey ayaa VOA u xaqiijyay in afarta arkari ee dagaalka ku dhintay iyo Todoba kale oo dhaawac ah la soo gaarsiiyay magaalada Garbahaarey.

Saraakiisha Dowladda ee Gobbolka Gedo wali kama aysan hadlin dagaalka, hase yeeshee waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in sideed ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay dagaalkaasi ku dhinteen.

Isgaarsiinta goobta uu dagaalka ka socdo oo aad u liidata si rasmi ah looma oga cidda dagaalka soo qaaday.

XS
SM
MD
LG