Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lazio oo qaadday Coppa Italia


Lazio
Lazio

Dalka Talyaniga, waxaa xalay lasoo gaba gabeeyay tartanka Coppa Italia oo ay ku tartameen ciyaarti kama danbeysta aheyd kooxaha Lazio iyo Atalanta.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Stadio Olimpico ee magaalada Rome ayay Lazio ku badisay 2-0. Waxaana goolaha u kala dhaliyay Sergej Milinkovic-Savic iyo Joaquin Correa.

Waa markeedii todobaad oo ay ku guuleysaneyso koobka Talyaaniga iyo marki ugu horreysay tan iyo sannadki 2013. Lazio oo ka dhisan caasimadda Talyaaniga ayaa soo gaba gabeysay afar sano oo xiriir ah oo ay koobkan qaadeysay kooxda Juventus.

Atalanta oo koobka laga qaaday ayaa rabtay in ay markeedi ugu horreysay hanato koobkan oo ay ugu danbeysay sannadki 1963.

XS
SM
MD
LG