Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin lagu eedeynayo bixinta qishka imtixaanaadka oo la xirey


Wararka ka imanaya Muqdishu ayaa sheegaya in dawladda Soomaaliya ay qabatay nin u shaqeeya wasaaradda waxbarashada oo lagu tuhunsan yahay inuu bixiyey imtixaanaadkii la baabi'iyay.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in la qabtay ninkaasi oo lagu magacaabo Jamaaluddiin Xasan Xirsi lana sheegay inuu yahay 29 sano jir. Ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayey imtixaanaadka degmada Balanballe ee gobolka Galguduud.

Dawladda ayaa imtixaanaadka joojisay Isniintii waxayna sheegtay in dib loo qaadayo dhammaadka bishan May.

Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada ayaa shalay bannanabax ka sameeyey magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya oo ay kaga soo horjeedaan imtixaanaadka la joojiyey.

XS
SM
MD
LG