Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo agaasime cusub u magacaabay Villa Somalia


Nuur Diiriye Fuursade
Nuur Diiriye Fuursade

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasimaha cusub ee Villa Somalia u magacaabay inuu noqdo Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Nuur Diiriye ayaa waxa uu beddelayaa Dr. Aamin Saciid Cali, oo xilkaas haysay muddo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

"Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo." Ayuu madaxweyne ku yiri qoraal lasoo dhigay barta twitter ee Villa Somalia.

XS
SM
MD
LG