Hay'adda Qarmada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga adduunka oo maanta shir jaraai'd ku qabatay magaalada Nairobi ayaa ka hadashay arrimo ku saabsan rabshado dhowaan ka dhacay afaafka kore ee xafiiska UNHCR ee magaalada Nairobi.
Rabshadahaas ayaa sida la sheegay waxaa ku lug lahaa dad qaxooti ah oo hay'adda taageero ka raadinayay iyo Ciidamada Booliska.
UNCHR oo sidoo kale ka hadashay go'aankii ay dhowaan dowladda Kenya ku sheegtay inay ku xirayso xeryaha qaxootiyada ee Dhadhaab ayaa sheegtay in arrintaasi ay si dhow ugala hadlayaan dowladda Kenya.
Wariyaha VOA-da, Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintan Nairobi nooga soo diray.