Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Howl-gallo amni oo ka dhacay Muqdisho


Ciidamada
Ciidamada

Hawlgallo dhinaca amniga ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho saacadihii ugu dambeeyey kadib qaraxii shalay magaalada ka dhacay.

Qaraxaas oo lala beegsaday xarunta degmada Warta-Nabadda ayaa waxaa ku dhintay afar qof, ayada oo 12 kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale jiray dilal khaarajin ah oo loo gaystay askar iyo shaqaale ka tirsanaa wasaaradda amniga oo magaalada ka dhacay.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in dhallinyaro badan lagu soo qabtay howl-galka, kuwaasi oo qaar lasii daayey baaritaan kadib, qaarna uu tuhun ku jiro oo weli la hayo.

Haddaba hawlagalladan baaritaannada ah waxaa warbxintan nooga soo dirtay Seynab Abuukar.

Howl-gallo amni oo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:32 0:00

XS
SM
MD
LG