Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ajax oo Qarka u Saaran Hanashada Horyaalka


Ajax
Ajax

Kooxda Ajax ayaa qarka u saaran in ay hanato horyaalka dalka Holland kaddib marki ay shalay 4-1 ku garaacday kooxda Utrecht. Halka kooxda kusoo xigta ee PSV ay 1-0 ku khasaartay AZ Alkamaar.

Hadda Ajax waxay 3 dhibic ka sareysaa PSV, sidoo kale farqiga goolasha waxay ka badantahay PSV 14 gool, isdaasi daraadeed xitaa haddii Ajax laga badiyo ciyaarteeda ugu danbeysa todobaadka soo socda isla markaana ay PSV badiso iyada ayaa qaadi doonta, laakin waxay u baahantahay si ay shaki la’aan u xaqiijiso horyaalka in ay ka badiso ama ay barbarro la gasho De Graafschap 15-ka bishan May.

XS
SM
MD
LG