Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bayern Munich oo La Hakiyay


Ruben
Ruben

Kooxda Bayern Munich ayaa Sabtidi iska khasaarisay fursad ay ugu dabaaldagi laheyd hanashada horyaalka Bundesliga, kaddib marki ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen kooxda RasenBallsport Leipzig halka kooxda kusoo xigta ee Borussia Dortmund ay 3-2 ku khaarijisay Fortuna Düsseldorf.

Sidaasi daraadeed kulanka ugu danbeeya ee dhici doona Bayern Muncih waxay la ciyaari doontaa kooxda Eintracht Frankfurt halka Dortmund ay la dheeli doonto Borussia Mönchengladbach.

Haddii ay Bayern badiso ama ay barbarro keento waa ay qaadi doonto, haddiise laga badiyo oo ay Brussia Dortmund garaacdo Borussia Mönchengladbach iyada ayaa u dabaaldagi doonto horyaalka.

XS
SM
MD
LG