Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Injineer Turkish ah oo Muqdisho Lagu Dilay


Qarax
Qarax

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in nin injineer ahaa oo u dhashay dalka Turkiga maanta lagu dilay qarax loogu xiray baabuurkiisa.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gaariga uu la socday injineerka marayay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, sida ay VOA u sheegeen dad goob joog ahaa.

Injineerkan ayaa gaarigiisu wax uu ka yimid dhinaca wadada afisyooni waxaana markii uu marayay agagaarka hotel Naasa Hablood ee isgoyska nambar afar mar qura la maqlay qaraxa gaariga halkaasoo uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaaa loola cararay isbitaalka Recep Tayeb Erdogan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu waxyar kaddib ku geeriyoday.

Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdishu ayaa VOA-da u xaqiijisay dhimashadan muwaadinkan u dashay Turkiga.

Qof Soomaali ah oo ka badbaaday qaraxaasi ayaa la sheegay inay su'aalo weydiinayana ciidamada amniga.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

XS
SM
MD
LG