Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo joojisay duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Dawladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, laga billaabo maanta oo Jimce ah.

Amar cusub oo ay shalay soo saartay, ayey Kenya ku sheegtay in dhammaan duulimaadyadii tooska ahaa ee ka iman jiray magaalada Muqdisho ay soo maraan magaalada Wajeer ka hor inta aysan u gudbin Nairobi.

Diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya ayaa mar walba mari jiray Wajeer, hase yeeshee heshiis dhex-maray labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, bishii March ee 2017, ayaa lagu ogolaaday duuliimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Qoraalka Kenya laguma sheegin wax sabab ah oo Kenya ay u qaadatay go’aankan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo gaarsiiyey go’aankan, islamarkaana uu hadda wada-hadal u socdo labada dowladeed.

Warbixintan waxaa noo soo diray weriyaha VOA ee Naiorbi, Khadar Maxamuud Xareed.

Kenya oo joojisay duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00

XS
SM
MD
LG