Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho iyo Saint Paul oo la mataaneeyey


Muqdisho
Muqdisho

Golaha degaanka ee magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota ayaa ansixiyey in la mataaneeyo Saint Paul iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Arrintan ayaa timid kadib olole muddo socday oo ay wadeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yarisow, oo arrintan bayaan kasoo saaray, ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha caasimadda Muqdisho.

Sida uu sheegay Yariisow, qorsheyaasha ku jira heshiiska Mataaneynta labada Magaalo ayaa horseedaya wax-wada qabsi iyo is-dhaafsiga khibradaha la is dheer yahay, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka.

Maxamed Cali Xasan waa Madaxa Xarunta Macluumaadka ee Soomaalida Minnesota, waxaana uu ka mid ahaa dadka sida weyn ugu ololeynayey mataanaynta.

Weriyahaga Minnesota Maxamuud Mascadde ayuu uga warramay waxa ku dhaliyey tallaabadan.

Muqdisho iyo Saint Paul oo la mataaneeyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:03 0:00

XS
SM
MD
LG