Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska hor-imaad ka dhacay garoonka Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Ugu yaraan afar Askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada amaanka Jubaland iyo ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenkii hore ee Jubaland, haddana ka mid ah musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Jubaland.

Ciidamo bastoolado ku hubaysnaa ayaa gudaha u galay garoonaka si ay u soo dhaweeyaan Cabdinaasir Seeraar oo ka yimid magaalada Muqdisho, iyadoo kadibna ciidamada ammaanka Garoonka oo doonayay inay baaraan boorsooyinka Cabdinaasir Seerar Maax ay iska caabin kala kulmeen Ciidamadiisa.

Afarta qof ee dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka magaalada Kismaayo, ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay isku horimaadkaasi.

Isku horimaadkan ayaa imaanaya xili magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad ka dhalatay qaabka loo marayo soo xulista xildhibaanada cusub.

XS
SM
MD
LG