Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran ka taagan xulista xildhibaanada cusub ee Jubaland


Jubaland
Jubaland

Magaalada Kismaayo iyo deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland wali waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xuli doono xildhibaanada cusub ee Jubaland ee dhowaan la dooran doono.

Arrintaan ayaa timid kadib markii dhowaan gudoomiyaha Guddiga Doorashada Jubaland Xamse Cabdi Barre uu sheegay in Guddigu uu leeyahay go'aanka ugu dambeeya ee qofka xildhibaanka noqonaya.

Xamse ayaa sheegaya in odayaasha beelaha ay guddiga usoo gudbin doonaan magacyada saddex qof, kadibna uu guddiga uu ka xulan doono mid ka mid ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa taas aad uga hor-yimid, kuna qeexay musuq-maasuq la doonayo in lagu sameeyo habka doorashada xildhibaanada.

Wariyaha VOA-da Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan magaalada Nairobi ka soo diray.

Muran ka taagan xulista xildhibaanada cusub ee Jubaland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00

XS
SM
MD
LG