Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir Jeelle oo faahfaahiyay dagaalka Sh/Dhexe


HirShabelle
HirShabelle

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu shalay gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad.

Wararka ay VOA ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay weerar ku qaadeen fadhiisin ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, oo ku yaalla inta u dhaxeysa Balacad iyo Jowhar.

Dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay kadib ayaa la sheegay in ciidamada dalwadda ay dib usoo gurteen. Jamaal Axmed Cismaan ayaa arrimahaasi ka warystay wasiirka amniga maamulka Hir-Shabeelle C/qaadir Aaden Jeelle.

Dhageyso Wasiirka Amniga HIrshabelle oo ka hadlaya dagaal dhacay

Dhageyso Wasiirka Amniga HIrshabelle oo ka hadlaya dagaal dhacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00

XS
SM
MD
LG