Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dil loo gaystay caruur oo argagax ka abuuray Hiiraan


Hiiraan
Hiiraan

Dilka lix qof oo kasoo jeeda laba qoys oo ay ku jiraan dad carruur ah ayaa ka argagixiyey bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan gaar ahaan degaanka Maxaas.

Dilkan ayaa waxaa toddobaadkan gaystay koox hubeysan, oo sidoo kale dhaawacay shan qof oo kale.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Cilmi Cawaale oo VOA la hadlay ayaa sheegay in dadkan ay waddada loo galay ayaga oo u guuraya deegaan kale.

Waxa uu sheegay in dilkan uu ahaa mid si ula kac ah loo fuliyey.

Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Dil loo gaystay caruur oo argagax ka abuuray Hiiraan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00

XS
SM
MD
LG