Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ribery oo ka tagaya Bayern


Frank Ribery
Frank Ribery

Laacibka garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa lagu dhawaaqay inuu ka tagi doono naadiga marka la gaaro bisha soo socota ee June.

Heshiiska Ribery uu kula joogo Bayern ayaa dhamaan doono xagaaga, sidaasi daraadeed 36 jirkaan ayaa horay usii raaci doona saaxibkiisa Arjen Robben oo isna kooxda ka tagaya bisha soo socota.

Ribery oo u dhashay dalka France ayaa Bayern Munich ku biiray bishi June ee sannadki 2007, xilligaas oo uu kaga soo wareegay kooxda Marseille ee dalka Faransiiska.

Muddadi uu la joogay wuxuu kooxda kula guuleystay sideed ka mid ah horyaalka Jarmalka iyo hal koob oo ah kan Horyaalada Yurub.

Wuxuu hadda qarka u saaranyahay inuu kooxda u qaado koobka horyaalka Jarmalka, markiisii sagaalaad.

XS
SM
MD
LG