Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday tuulo lagu magacaabo Hareeri Hoosle oo u dhow magaalada Mandera ee Waqooyi Bari Kenya.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ku bilowday rasaas xooggan oo ay is weydaarsadeen maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday iyo cidamo ka tirsna booliiska.
Ciidamada booliiska Kenya ayaa la sheegay inay u jilib dhigeeen maleeshiyada Al-Shabab.
Wararka aanu ka helayno dadka degaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay la baxsadeen laba qori oo nooca AK-47 ah. Weerarkaas waxaa kale oo la sheegay inuu ku dhaawacmay askari ka tirsna booliiska.
Degaanka la weeraray ayaa u dhow xuduudda Kenya la leedahay Soomaaliya.