Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Agaasimaha VOA oo ka hadashay maalinta xoriyadda saxaafadda


Sanad walba sadexda bisha May maanta oo kale, waxey dunidu xustaa maalinta caalamiga ah ee xuriyadda saxaafadda dunida.

Boqolaal wariyeyaal ah ayaa xabsiyo ugu jira shaqadooda, xarumo warbaahineed ayaa albaabada loo laabay, halka wariyeyaal weli shaqada ku jira lagu hayo caburis.

Sidaas daraadeed waxey dunidu maalintan eegtaa mabaa’diida aas aasiga ah ee saxaafadda xorta ah, waxaa qiimeyn lagu sameeyaa xuriyadda saxaafadda ee dunida. Waxaa wax la iska weydiiyaa difaaca wariyeyaasha iyo xarumahooda warbaahin, madax banaanidooda iyo weerarada lagu hayo.

Agaasimaha VOA Amanda Bernet ayaa ka hadashay ahmiyadda ay leedahay saxaafad xor ah. Wariyeheenna Nuur Xassan Nuur ayaa inoo soo koobaya.

Agaasimaha VOA oo ka hadashay maalinta saxaafadda
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:04 0:00

XS
SM
MD
LG