Kooxda Barcelona ayaa hal lug la gashay finalka Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League, kadib marki ay xalay 3-0 ku khaarijisay Liverpool.
Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Barcelona ayaa aheyd is-aragga kowoaad ee wareega afarta koox, waxaana Barca labo ka mid ah goolasha ay ku badisay u saxiixay xiddigooda Lionel Messi.
Goolka labaad ee uu Messi dhaliyay wuxuu ahaa goolkiisii 600-aad ee uu kooxdani u dhaliyo tan iyo inti uu ku biiray kooxda heerka koowaad ee Barcelona sannadki 2005-ti.
Goolka kale ee Barca waxaa qeybti hore u dhaliyay ciyaaryahan Suarez. Hadda Liverpool waxay u baahnaan doontaa in ay Barcelona uga badiso wax ka badan 3 gool, haddii ay rabto in ay gaarto finalka, marka ay todobaadka danbe isku arkaan magaalada Liverpool.