Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in saakay halkaasi ay weerar ku qabsadeen ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya.
Wararku waxey intaa ku darayaan in qaraxyo waaweyn la maqlayay marka ay ciidamadu magaalada galayeen.
Wararka dagaalkaas ayaa Ibrahim Xassan Dandureey uu ka wareystay. Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, oo ah gudoomiya ku xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha Hoose.