Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxamed Nuur oo danbi lagu helay


Mohamed Noor
Mohamed Noor

Guddi xeer-beegti ah oo todobaadyadi lasoo dhaafay eegayay dacwad dil ah oo lagu soo oogay Maxamed Nuur oo horay uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ku helay laba danbi oo dil ah.

Mid ka mid ah dambiyada lagu helay ayaa ah dilka darajada heerka saddexaad, waxaase lagu waayey dilka darajada heerka labaad, oo ciqaabtiisa ka badnaan lahayd.

Maxamed Nuur ayaa loo haystay dilka gabar caddaan ah oo lagu magacaabay Justine Damond, waxaana xukunkiisa xabsiga la waqtiyeeyey 7-da bisha June ee sanadkan.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa magaalada Minneapolis kasoo diray wariyaha VOA-da Maxamud Mascadde.

Dhageyso warbixinnada kiiska Maxamed Nur
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:06 0:00

XS
SM
MD
LG