Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saciid Deni oo dhaliilay dowladda dhexe


Saciid Deni
Saciid Deni

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shir jaraa’id oo toddobaadkan qabtay ku sheegay in bilowga bisha May uu magaalada Garoowe ka furmi doono shir wadatashi ah oo ay yeelanayaan mas’uuliyiinta ugu sareeya Dawladda Federalka Somalia iyo madaxda dawlad goboleedyada Somalia.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in shirkan uu u qabanayo, isaga oo arkay in wadashaqeyntii Dawladda Federalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ay meesha ka maqan tahay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa dhaliil u jeediyey dowladda federaalka, isaga oo sheegay in arrimaha qaar ay isku koobtay.

Warbixin ku saabsan shirka Garoowe ee uu madaxweyne Deni ku baaqay iyo dhaliilaha uu Dawladda u jeedinayo waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Sandhere.

Saciid Deni oo dhaliilay dowladda dhexe
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:29 0:00

XS
SM
MD
LG