Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Jubaland oo Al-Shabaab ku weeraray Xagar


Ciidamada Jubaland

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland ay xalay weerareen degmada Xagar ee gobolkaasi, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada weerarka ku qaaday degmada Xagar ayaa ka soo kicitimay dhanka degmada Afmadow.

Ilaa hadda sida la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, khasaare dhimasho wali na looma xaqiijinin.

Dadka degaanka ayaa VOA usheegay in ciidamada Jubbaland ee weeraray Degmada Xagar ay dib ugu soo laabteen dhanka Afmadow, waxaana wararku intaas ku darayaan in ciidankaas jidka ay u galeen maleeshiyo loo amalaynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, halkaasna uu ka dhacay dagaal, ilaa iyo haddana aan faahfahain buuxda laga haynin.

Warar goor dhowyad nasoo gaaray ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay dagaalka ka dhacay inta u dhaxaysa Afmadow iyo Xagar.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG