Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa sheegtay in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeynta ay diyaaradaha drone-ka ah ee Maraykanku leeyahay ka fuliyaan Soomaaliya , iyadoo sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii magdhow loo siin lahaa ehellada dadkaasi.
Wareysi ay siisay VOA ayay Ilhan Cumar sidoo kale uga hadashay khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Trump iyo xisbiga Jamhuuriga. Maxamud Mascadde ayaa Minneapolis ku wareystay.