Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeymo Xagga Cirka ah oo ka Dhacay Puntland

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah.

Dadka socotada ah ee soo gaaray tuulada Timirshe ee degmada Isku-shuban ayaa sheegay inay salaadii Jimcaha kadib ay maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Ceelka Shidi Cameyra ee u dhow tuuladaas.

Majirto cid xaqiijisay khasaaraha ay duqeymahaasi ka geysteen goobaha lala beegsaday, mana jirto wax war ah oo ilaa iminka maamulka Puntland ka soo saareen duqaymaha ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Bari.

14 bishan April ayay aheyd markii meel u dhow tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban duqeyn cirka ah lagu dilay C/xakiin Dhuqub oo maamulka Puntland sheegay inuu ka tirsanaa ururka Daacish.

XS
SM
MD
LG