Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Shuruuc cusub halagu soo rogo dadka fiisaha ku soo galaya Mareykanka


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa toddobaadkan shaaciyay tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo dadka u soo sarfa Mareykanka ee ku soo gala fiisaha ka dibna si sharci darro ah isaga jooga Mareykanka marka uu fiisaha ama dal ku galku ka dhaco.

Siyaasaddan cusub ayaa lagu ciqaabayaa waddamada dadkooda fiisayaasha wax barasho iyo kuwa dal-xiiska ku soo gala Mareykanka, kadibna iska sii jooga Mareykanka. Tallaabadan ayaa si gaar ah u saameyneysaa waddamo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

Wariyaha VOA Patsy Widakuswara ayaa warbixintan inooga diyaarisay, waxaase soo jeedinaya Maxamed Colaad Xassan.

Mareykanka oo shuruucyo cusub ku soo rogaya dadka Mareykanka soo galaya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

XS
SM
MD
LG