Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: 3 Ruux oo ku Dhaawacantay Qarax Miino


Boosaaso
Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhaawacmeen qarax miino oo saaka ka dhacay magaalada.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in nawaaxiga qaraxu ka dhacay xilligaasi uu ku sugnaa mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo aan waxba soo gaadhin.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Hase yeeshee maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey u sheegan jiray weerarrada ka dhaca Boosaaso.

Yuusuf Maxamuud Yuusuf ayaa warbixintan ka soo direy Boosaaso.

Warbixinta qarax Boosaaso ka dhacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:46 0:00

XS
SM
MD
LG