Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal ka tirsan al-Shabaab oo isa soo Dhiibay


Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa isku soo dhiibay dawladda Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Aadan Cabdi Maxamed waxaana uu ku magac dheer yahay Aadan Coobbe waxaana la sheegay in markii uu isa soo dhiibayey uu la socday sarkaal kale oo meel hoose uga jira ururka Al-Shabab laguna magacaabo Food Aadn Maxamuud.

Aadan Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golah Shuurada isaga oo matala Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore usoo noqday Madaxa Saadka Al-Shabab ee Gobolka Jubbada Hoose.

Aadan Coobe ayaa la sheegay in isaga iyo ninka la socday ay baabuur Suzuki ah maanta kaga soo baxeen magaalada Buuaale, kadibna ay soo gaareen tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere.

Sarkala u hadlay Gobolka Gedo ayaa VOA u sheegay in labada nin ee soo goostay diyaarad loo saaray magaalada Muqdishu, ayna la wareegeen mas’uuliyiinta nabadsugidda Soomaaliya.

Haaruun Macruuf ayaa isa soo dhiibistan ka waraystay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi.

Wareysiga Sheekh Qaadi
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:08:27 0:00

XS
SM
MD
LG