Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Paris St Germain oo hanatay horyaalka France


Paris St Germain
Paris St Germain

Kooxda Paris St Germain ayaa shalay ku guuleysatay horyaalka kubadda cagta dalkaasi, kaddib marki ay 3-1 ku garaacday kooxda Monaco ciyaar ka dhacday garoonka PSG ee Parc des Princes ee magaalada Paris.

Waa markeedii sideedaad oo ay PSG noqoneyso horyaalka Faransiiska tan iyo marki la aas aasay kooxdani, waxaana horyaalka sannadkaan ay qaadeysaa iyadoo ay ka harsanyihiin shan ciyaarood.

Dabaaldagga Paris ST Germain, wuxuu sii biloowday goor hore oo Axadi shalay ah ka hor inta aysanba ciyaarin kulan ay la dheeshay Monaco, ka gadaal marki kooxda kusoo xigtay ee Lille ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen Toylouse. PSG waxay hadda leedahay 84 dhibcood, halka Lille oo kusoo xigta ay leedahay 65.

PSG Sabtida ayay qaadi kartaa koobka waddanka Faransiiska oo ah tartanka labaad ee ugu xiisaha badan dalkaasi, haddii ay ka badiso ciyaarta finalka ah, kooxda Stade Rennais.

Dhanka kale ciyaarti ay PSG shalay la dheeshay Monaco waxaa saftay oo dib garoonada ugu soo laabtay xiddigooda reer Brazil, Naymar oo muddo saddex bilood ah dhaawac ku maqnaa.

XS
SM
MD
LG