Liverpool ayaa Axadi shalay dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka kaddib marki ay xalay 2-0 ku soo garaacday kooxda Cardiff oo ay marti u aheyd. Labada gool waxaa u kala dhaliyay Liverpool, Georginio Wijnaldum iyo James Milner.
Liverpool waxay hadda laba dhibic ka sarreysaa Manchester City oo Sabtidi si kumeel gaar ah hogaanka u qabatay marki ay 1-0 ku martay Tottenham.
Ciyaarihi kale ee Ingiriiska ee Axadi dhacay, waxaa wada guuldarreystay kooxaha Manchester United iyo Arsenal, balse waxaa xanuun badneyd khasaarihi Manchester kala soo laabatay kooxda Everton, kaddib marki ay lagu dubtay United 4-0.
Arsenal oo gurigeeda ku ciyaaraysay ayaa waxaa 3-2 ku garaacday Crystal Palace. Arsenal waxay qarka u saarantahay in kalainta afraad oo ay hadda ku jirto ay weyso haddii ay caawa Chelsea ka badiso kooxda Burnley.