Dhanka Spain, haddii aanu aadno, kooxda Real Madrid ayaa dhuuqsatay kaalinta saddexaad, kaddib marki ay xalay 3-0 ku garaacday kooxda Athletic Bilbao. Saddexda goolba waxaa wada dhaliyay Karim Benzema.
Benzema oo u dhashay Faransiiska balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Algeria, ayaa dhaliyay sideeddi goo lee ugu danbeysay ee ay Real dhalisay.
Ciyaarihi kale ee dhacay, Barcelona waxay Sabtidi 2-1 ku garaacday Real Sociedad. Kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Athletico Madrid ayaa iyana Sabtidi 1-0 ku cuntay Eibar.
Ciyaarihi Axadi dhacayna, kooxda kaalinta afraad ku jirtay bilihi ugu danbeeyay ee Seville ayaa hadda u dhaadhacday booska lixaad, kaddib marki ay shalay 3-0 ku khasaartay Getefe.
Gushaasi waxay Getefe u sahashay in ay booska afraad ee horyaalka Spain ee LaLiga soo degto.
Velencia oo xalay 2-1 ku dharbaaxday Real Betis ayaa soo ciriirsatay kaalinta shanaad.