Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Duqeyn ka Fuliyay Meel u dhow Jamaame.


Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu shalay duqeyn ka fuliyay shalay meel ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubadda Dhexe ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Maraykanka oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay dadaallada lagu wiiqayo maleeshiyada al-Shabab.

Qoraalka ayaa lagu yiri, laba sanadood ka hor al-Shabab ay heysatay xornimo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah, taasoo ka caawineysay inay barakiciyaan oo ay argagixiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dooxada wabiga Jubba, iyo meelaha ku dhow dhow Kismayo, laakiin maanta meelahaasi oo dhan waxaa laga sameeyay fariisimo ciidan oo u diiday al-Shabab inay si xor ah weeraro u abaabulaan.

Ku xigeenka madaxa howlgalada AFRICOM William West ayaa sheegay in howlgalada iyo duqeyta Mareykanka ee lagu xaqiijinayo badqabka fariisimaha ciidamda dowladda Soomaaliya, ay horseedeen in meelaha laga qabto al-shabab ay ciidamadu ku sii sugnaadaan, isla markaana ay u suuragelisay ciidamada Soomaaliya inay weeraro xoreyn ah ay ku qaadaan dhul ay al-shabab horey u heysatay.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay Jubbada dhexe ka fuliyeen shalay ay ku dileen laba ka mid ah Maleeshiyada argagixisada ah ee al-Shabab, dad rayid ahna aysan waxba ka soo gaarin.

Qoraalka AFRICOM ayaa layaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanku uu sii wadayo inuu Somaalida iyo Ciidamada AMISOMba kala shaqeyo, sidii masuuliyadda amni ee mudada fog loogu wareejin dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

XS
SM
MD
LG