Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba qarax oo maanta ka dhacay Muqdisho


Qarax (Sawir hore)
Qarax (Sawir hore)

Hal qof ayaa ku dhintay, 13 kalena way ku dhaawacmeen qarax baabuur oo maanta ka dhacay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiinta adeegga ambalaasyada ee Muqdisho ayaa faahfaahinta khasaaraha adeeggoodu qaaday u sheegay saxaafadda.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn saldhigga booliiska ee degmada Waaberi.

Booliiska ayaa iyaguna sheegay inay dhinteen afar qof, 5 kalena ay dhaawacmeen.

Waa qaraxii labaad ee maanta ka dhaca magaalada. Goor sii horraysay oo maanta ahna waxaa isla Muqdihsu ka dhacay qarax kale oo lagu xiray baabuur.

Warbixinta qaraxa labaad ayaa waxaa Muqdisho nooga soo dirtay Saynab Abuukar Maxamed.

Laba Qarax oo maanta ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00

XS
SM
MD
LG