WASHINGTON. D.C —
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihi na dhaafay ku howlaneyd sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya.
Wafdi uu hogaaminayay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmahan arrimahaas u joogay Washington ayaa shalay magaaladan ka dhoofay.
Laakiin, dadaalkoodu waxa uu qeyb ka ahaa un dadaalo horey u socday oo soo marey heerar kala duwan, waxaana ay dowladu sheegtey in ay meel wanaagsan marsiineyso shuruudhii ku hor gudbanaa deyn cafintaas.
Falastin Ahmed Iman ayaa warbixintan ku eegeysa howsha deyn cafinta iyo waxyaabaha dowlada looga baahan yahay si deynta looga cafiyo.
Facebook Forum