Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Juventus oo raadineysa Joao Felix


Joao Felix

Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa maanta ku warramay, in kooxda Juventus ay dooneyso weeraryahanka dhalinyarada ah ee u soo baxay kooxda Benfica iyo xulka Portual, ciyaaryahan Joao Felix.

Agaasimaha dhinaca Isboortiga ee kooda Juve Fabio Paratici, ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan la kulmo wakiilka ciyaaryahan Flexi ninka la yiraahdo Jorge Mendes, si ay heshiis uga gaaraan xidigaan soo baxaya.

Flex ayaa todobadki hore kooxda Benfica u dhaliyay saddexleey, ciyaar ka tirsaneyd koobka Europa League. Wuxuu noqday ciyaaryahanki ugu da’da yaraa ee abid tartankan ka dhaliya hal kulan saddex gool.

Joao Felix ayaa ah 19 jir kusoo barbaaray gudaha kooxda Benfica, isaga oo kasoo baxay akadeemiyadda tababarka kooxdan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG