Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Salah oo u badiyay Liverpool


Salah
Salah

Gool caaqibo lahaa oo uu xalay Mohamed Salah ayaa ka caawiyay kooxdiisa Liverpool in ay dib ugu soo laabtaan hogaanka horyaalka Ingiriiska ee Premier League, ka gadaal marki ay 2-0 ku dubteen Chelsea.

Liverpool aad ayay ugu baahneyd guushaasi, maxaa yeelay waxay maanka ku hayeen labada dhibcood ee ay ka saramartay Manchester City oo Axadi 3-1 ku garaacday Crystal Palace.

Ciyaarti shalay oo ka dhacday garoonka Anfield ayay Liverpool kusoo bandhigeen ciyaar xamaasad laheyd waxaana goolka hore dhaliyay Sadio Mane, halka goolkabaad uu si cajiiba u dhaliyay Salah oo shabaqa Chelsea ka toogtay meel ka baxsan diilinta ganaaxa.

Liverpool waxay hadda leedahay 85 dhibicdoo, waxay laba dhibic ka sarreysaa Man City. Laakin City waxaa u harsan shan kulan halka Liverpool ay u dhimanyihiin afar ciyaarood.

XS
SM
MD
LG